Dayaca haysta ciidamada wadooyinka Puntland iyo fursadda ay haystaan kala dheer

Ciidamadda Waddooyinku waa mid kamida ciidamada ugu muhiimsan ciidamada Dalka inkastoo ay Puntland ka yihiin laan hoos tagta Ciidamada Booliska, qaar kamida Caalamka siiba wadamada aan deriska nahay waa ciidamada kaliya ee awood u leh inay istaajiyaan kolonyada la socota madaxweynaha xiliyada uu wadooyinka maraayo, tusaale wadamada Kenya, Ugnada iyo Itoobiya ciidamadani waxay ka leeyihiin awoodo aysan lahayn ciidamada kale ee Dalku.

Ciidamada wadooyinku waxay masuul ka yihiin ilaalinta iyo nidaaminta akhalaaqiyaadka gadiidka soconaaya wadooyinka, waxay ilaaliyaan hab u socodka wadooyinka, waxayna masuul ka yihiin inay kala nadaamiyaan gadiidka kala duwan ee maraaya wadooyinka, waxayna ganaaxyo iyo ciqaabo dul dhigaan gadiidleyda jabisa xeerarka wadooyinka, maahan oo kaliya gaadiidka xitaa dadweynaha, xayawaanka iyo wax kasta oo isticmaala wadooyinka ayaa looga baahan yahay inay ku hagaan ilaalinta nidaamka iyo xeerarka wadada.

Ciidamada Wadooyinka Puntland

Puntland magac ahaan waxaa ka jira ciidamada wadooyinka oo ah laan katirsan ciidamada Booliska hase ahaate waa kuwo aad tayo ahaan iyo tiro ahaanba u hooseeya, maahan ciidan qabta shaqadii laga rabey ciidamada ilaalinta wadooyinka, waana tiro yar oo ay dadweynuhu yaqaanaan oo la arko iyagoo dhar cad xiran maalinta ay Wasaarada maaliyadu fulinayso ololaha canshuurta gaadiidka.

Tusaale ahaan magaalada Garowe waxaa ku sugan in aan ka badnayn 10 nin oo ciidamada taraafikada ah halka Bosaaso iyo Galkacayana ay ku sugan yihiin kuwa aan ka badnayn kuwaas oo u badan rag odayaal ah oo soo shaqaynaayey tan iyo Dawladii Maxamed Siyaad Barre.

Fursadaha ay haystaan ciidamada Taraafikada Puntland?

Hadii ay Puntland ka jiri lahaayeen ciidamo tayo leh oo taraafika waxay noqon lahaayeen mid kamida hay’addaha ugu waaweyn ee dakhliga usoo xareeya Dawlada Puntland, maxaa yeelay magaalooyinka waaweyn waxaa ku sugan gadiid aad u fara badan oo aan gabi ahaanba lahayn nidaamkii saxda ahaa ee laga rabey gawaarida, tasuule qof walba oo gaari wata waxa uu u socdaa sida uu doono, wuxuuna wadada kaga socdaa dhankii uu doono, waxaana gawaarida la dhigtaa ama lagu baakintaa meeshii la doono, waxaa gadiidka kaxaysta cidii doonta iyadoo aan loo egayn ma istaahilaa qofkani inuu gaari kaxeeyo ama mahaystaa ruqsadii darawalnimo.

Mararka qaar marka aad gaari ku kaxaystid magaalooyinka waaweyn ee Puntland anfariir ayaa ku dilaaya, waxaad arkaysaa wax yaabo badan oo kaa yaabiya, waxay indhaagu qabanayaan nin gaarigii uu watey wadada bartankeeda intuu ku baakintay suuqa kasoo danaysanaaya ayna wadadu u xiran tahay mudo saacada, waxaad arkaysaa nin gawaarida dadweynaha ee looyaqaan PL-ka wata oo wadada dhexdeeda ku rakaabsanaaya oo xiranaaya wadada marka uu doono, markii uu doonana furaaya, inta badan dadka gawaarida wata mahaystaan ruqsada darawalnimada, inta haysatana sifo sharci kuma qaadan mana jirto cid ku kantaroosha ama waydiisa.

Arimahan iyo kuwa kale oo fara badan oo waa fursado muhiima oo u banaan ciidamada taraafikada, waana kuwo ay xitaa hadii la xoojiyo ay Dawlada Puntland ka heli karto dhaqaale wanaagsan.

Maxaa hortaagan tayeynta ciidamada wadooyinka Puntland?

Waxaadba moodaa inaysan Dawlada Puntland isku mashquulin sidii ay wax uga qaban lahayd ama ay u tayeynta lahayd ciidamadan muhiimka u ah jiritaanka Dawladnimo isla markaana muujiya mid kamida astaamaha iyo jiritaanka Dawladi leedahay.

Ciidamadani mahelaan dhamaan inkaaniyaadkii ay ku hawgeli lahaayeen marka laga reebo qallab aan sidaa u badnayn oo u badan mootooyin oo ay marar qaar hay’adaha caalamiga ku caawiyaan, daryeel xumada waxay kala mid yihiin ciidamada kale ee Puntland hadaysanba ka liidan, mana hellaan dhaqaale ku fillan, tababaro iyo dhamaan xaquuqihii ay ku hawlgeli lahaayeen, waana tan dhalisay inay noqdaan kuwa aan macna badan lahayn.

Gaba-gabadii:- Dawlada Puntland waxaa looga baahan yahay inay soo fiiriso ciidamada taraafikada oo muhiim u ah bilicda iyo habsami u socodka wadooyinka Puntland, waxaa loo baahan yahay in ciidankan la xoojiyo loona tababaro dhalinarada waxbaratay ayna qabsadaan dhamaan shaqooyinkii loogu tala galay hadii ay sidan sii ahaadaan waxay ceeb ku tahay Dawladnimada 20-jirsatay ee Puntland.

Wargeyska PUNTLAND POST