Bangiga Amal Oo Tababar U Qabtay Ganacsatada Bagaashleyda ee Boosaso.

Bosaso[Puntland Post]-Tababarkaan ayaa loo qabtay ganacsatada bagaashleyda ee Magaalada Bosaso. Tababarkaan ayaa ujeedadiisu aheyd kor u qaadida xirfadda ganacsatada yar yar.

Waxana ka soo qeyb galay 60 ganacsato kana socday  in ka badan 55 ganacsi oo ku yaala Bosaso waxana lagu tababaray ka soo qeyb-galayaasha mowduucyada kala ah ;

  • Hal-abuurka Ganacsi (Business Entrepreneurship) .
  • Istaraatiijiyadaha kobcinta Ganacsiga yar yar (Small business Growth strategies)
  • Xisaabaad-ka ganacsiga (Business Accountancy).

Furitaankii tababarka ayaa waxaa ugu horeyntii  furey madaxa  horumarinta ganacsiga BangigaAmal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Jaamac Ciise Maxamud; isagoo si faahfaasan uga hadlay ujeedooyinka tababarka iyo muhiimadda uu u leeyhay tababarta-yaasha iyo guud ahaanba bulshada

Tababarta-yaasha ayaa dhankooda boogaadiyey tababarka ugana mahad celiyey Bangigaga Amal, kana codsaday bangiga in uu soo celiyo tababarada noocaan ah.

Ugu dambeyntii waxaa soo xiray xafladda Madaxa Suuq-geyntaBangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Muuse Siciid Xasan oo si faahfaahsan  ugu hadlay tababarka iyo in Bangiga Amal ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay in bulshada horumarkiida uu qeyb ka qaato, diyaarna u yahay inuu markasta garab istaago ganacsiga.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso