Jubbaland oo ka celiyay garoonka Kismaayo taliye ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Kismaayo (PP) ─ Maamulka Jubbaland, ayaa dib uga celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, Jen. Cali Maxamed Maxamuud, kaasoo dhawaan ay dowladda Soomaaliya magacowday.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Garoonka Kismaayo ayaa sheegay inay ka celiyeen garoonka diyaaradaha Kismaayo wafti uu hoggaaminayo Taliye cusub oo loosoo magacaabay guutada 43-aad Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan qaabilsan gobollada jubbooyinka.

Jen. Cali Maxamed Maxamuud oo loo yaqaan [Bogmadow] ayaa taliye loogu soo macagaabay guutada 43-aad ee fadhigeedu yahay Magaalada Kismaayo, waxaa hadda taliye ka ah Jen. Ismaaciil Saxardiid.

Sidoo kale, Jen. Bagmadoow ayaa horay uga tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sannadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada Jananka la siiyay bishii lasoo dhaafay ee Juun.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in magacaabista taliyahan aysan ahayn mid waaafaqsan nidaamka dalka, sidaas daraadeedna diideen inuu soo galo magaalada Kismaayo oo ah xarunta maamulka Jubbaland.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay iska-indha-tireysaa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galay 11-kii bishii May ee sannadkii hore, kaas oo lagu saxiixay London. Heshiiskaas Qodobkiisa 20-aad ayaa Qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qaybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad-goboleedyada, Qodobka ayaa sheegaya in Dowladda dhexe oo keliya magacaabi karto taliyaha qaybta, kaddib markii ay la-tashi kala sameyso madaxda dowlad-goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Jubbaland.

Dhanka kale, Qoraalka ayaa mar kale lagu yiri. “Dowladda dhexe waxba kama weydiin Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe magacaabidda taliyaha cusub ee qaybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo, taasoo ugu dambeyn buuq keentay sababtayna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43aad ee XDS Gen .Cali Bogamdow.”.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dhanka dowladda FS, balse arrintan ayaa imanaysa xilli la isu diyaarinayo shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee dhawaanta ka furmayo magaalada Brussels.

Ugu dambeyn, Waxaa shirkaad ku wada casuuman madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo uu ka midyahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

PUNTLAND POST