Ganacsade xalay lagu toogtay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay nin ganacsade ah meel aan ka fogeyn Isgoyska Dabka ee Muqdisho, iyadoo dableyda dilkaan geystay ay goobta si fudud uga baxsadeen.

Ganacsadahan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray, Xasan Cumar Mayow oo la sheegay inuu iibin jiray waxyaabaha farshaxanka ah, iyadoo lagu dilay goob maqaahi ah oo shaaha lagu cabo.

Qaar ka mid ah dadkii goob-joogayaasha ahaa ayaa sheegay in dableyda dilka geystay ay ahaayeen laba wiil oo dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa laba bastooladood, ayna la toogteen madaxa iyo feeraha.

“Dilkan waxaa geystay laba wiil oo yar-yar, xabado ay ku fufeen markii uu dhintayna way baxsadeen, mana garanayno sababta loo dilay, wuxuu ahaa 70-jir ganacsade ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in marxuumka uu ka mid ahaa dadkii wax kasoo doortay xildhibaannada maamul-goboleedka Koonfur-galbeed ugu jira baarlamaanka Soomaaliya.

Maydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidammo ka tirsan kuwa nabad-sugidda dowladda oo goobta soo gaaray markii uu dilku dhacay kaddib, waxaana dilan uu qayb ka noqonayaa dilal soo laalaabtay oo ka dhacayay Muqdisho xilliyadii ugu dambeeyay.

Ugu dabmeyn, Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka ahayd dilka odaygan ganacsadaha ahaa, balse dilalka noocan oo kale ah ayaa waxaa sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST