Farmaajo oo Turkiga uga qayb-galaya Caleemmo-saarka Erdogan

Ankara (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo bishii hore dib loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa maanta u gudbaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga.

Xaflada Caleema saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa maalinta berri ka dhacaya Ankara, waxaana ka qeyb galaya madax badan oo ka socota dalalka caalamka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Medvedev ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweyne Erdogan.

Dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Juun, ayay aheyd markii Erdogan loo doortay Madaxweynaha Turkiga, kaddib doorasho ka dhacday dalkaas oo aheyd tii u horeysay oo hal mar la doorto Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Nidaamka cusub ee dalka Turkiga uu yeeshay ayaa ka dhigay Erdogan mid awood badan leh oo isku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama Xukuumada.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Turkiga ayaa soo magacaabaya madaxweyne ku xigeenkiisa, Golaha Wasiirrada iyo xubnaha sar-sare ee u adeegayaasha bulshada (Civil Servants), waxaana muddo xileedka xafiiska Madaxweynaha cusub uu noqonayaa shanta sanno ee soo socota.

PUNTLAND POST