Mucaaradkii hubeysnaa ee Itoobiya oo laga saaray liiska Argagixisada

Addis Ababa (PP) ─ Baarlamaanka Itoobiya ayaa fadhi deg-deg ah oo maanta ay yeesheen ku ansixiyay Qaraar golaha wasiirrada dalkaas ay baarlaaanka u soo gudbiyeen, kaasoo dhigayay in liiska argagixisada laga saaro ururada hubeysan ee mucaaradka ku ahaa dalkaas.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa si Aqlabiyad leh ku meel-mariyay Qaraarka Liiska Argagixisada looga saaro Ururrada; Ginbot 7, OLF iyo ONLF oo dhammaantood dagaal kula jiray xukuumadda Itoobiya.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii maalin ka hor ay Golaha wasiirrada Itoobiya isku-raaceen in liiska argagixisada laga saaro ururadaas, taasoo qayb ka ah Qorshaha is-beddelka ee uu qaatay Ra’iisul Wasaare, Abiy Ahmed Ali.

Dhanka kale, Xukuumadda cusub ee Itoobiya ayaa xabsiyada Dalkaas kasii daysay boqolaal maxaabiis ah oo u xirnaa arrimo siyaasadeed, kuwaasoo u badnaa siyaasiyiinta mucaaradka.

Isbeddelada ka socda Itoobiya ayaa waxay yimaadeen kaddib markii uu xilka iska casilay ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo ku dhawaaqay markuu xilka iska casilayay in is-casilaaddiisu ay daba socoto in Itoobiya uu ka dhaco isbedel weyn.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Itoobiya ayaa horay u Aqoonsatay ururradaan kala ah; Ginbot 7, OLF iyo ONLF inay yihiin argagixiso ah khatar weyn ku ah amniga guud ee Qaranka Itoobiya.

PUNTLAND POST