Qalbi-dhagax “Xarigeyga waxaa ka dambeysay Dowlada Soomaaliya”

Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo dhowaan laga sii daayay xabsi ku yaala Dalka Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixiyay cida Itoobiya u gacan galisay.

Qalbi-dhagax ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay i gacan galisay Itoobiya isaga oo sheegay in Ha’ada NISA ay ka soo qabatay Magaalada Gaalkacyo iyaga oo ku xiray godka Jilicoow.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu wax ka ogaa Xirintaankaasi iyo gacan u galintiisa Itoobiya.

“Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen,mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen” ayuu yiri Qalbi dhagax.

Qalbi-dhagax ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Ra’iisul wasaare Itoobiya ay sabab u aheyd in la sii daayay isaga oo sheegay in aanay jirin cid kale oo sii deeyntiisa ka dambeeysay.

Dhowaan Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in codsi ay u dirtay Ra’iisul wasaare Itoobiya

Hoos ka dhageyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post