Hub shaki dhaliyay oo u soo dagay Dowladda Soomaaliya iyo goob qarsoodi ah oo la dhigay


Muqdisho (PP) ─
Muran ayaa ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii hore kasoo dejisay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Hubkaan ayaa ka kooban qoryaha AK-47 oo la sheegay in ay dhan yihiin 300 oo qori iyo bastoolado iyaguna gaadhaya 300, rasaas iyo qalab kale oo millateri.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in hubkan keenistiisa aan lagu wargelin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida uu dhigayo qaraarka cunqabataynta Soomaaliya.

Waxaa kale oo su’aali ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.

Idaacadda VOA ayaa la xidhiidhay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jabuuti, wasaaradda amniga ee Soomaaliya, madaxa nabadsugidda gobolka Banaadir iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo dhammaantood ay uu suurtogeli weyday in ay ku qanciyaan inay ka hadlaan arrintan.

PUNTLAND POST