Al-shabaab oo Nabadoon caan ah ku toogatay Gobolka Shabeellada dhexe

Balcad (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa maanta ku toogtay deegaan ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe oday 93-jir ah oo ka mid ahaa nabad-doonnada deegaankaas.

Al-shabaab ayaa ku eedeysay odaygan inuu ka mid ahaa ergadii wax kasoo xulay xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hadda jira, Waxaana marxuumka lagu magacaabi jiray, Abshir Nuur Xuseen [Maliis].

Nabad-doonkan ayaa waxaa lagu toogtay deegaanka Gamboole oo ka tirsan degmada Balcad, iyadoo nabaddoonka la dilay uu gacanta ururka Al-shabaab ku jiray muddo saddex bilood ah.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu deegaanka maanta lagu dliay u tagay sidii wax looga qaban lahaa dacwad la xiriirta muran soo dhex-galay xoolo-dhaqato iyo beeraley gobolka Shabeellada dhexe kuwada nool.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab toogtaan dad waxyaabo kala duwan ay ku eedeeyeen, balse tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay nooceeda oo ay fuliso Kooxda Al-shabaab.

Dhanka kale, Ururka Al-shabaab ayaa looga bartay in nabad-doonnada iyo dadka ee ay ku eedeeyeen inay wax kasoo xuleen xildhibaannada golaha shacabka ee hadda jira ay ku dilaan waddooyinka Muqdisho, balse tani waa mid ka duwan kuwaas.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hir-shabelle oo halka uu dilku ka dhacay ka taliya, ayaan weli ka hadlin dilka looga geystay nabad-doonkan la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Somalia.

Ugu dambeyn, Al-shabaab  ayaa dhawr jeer dilal u geystay nabaddoonno iyo ergo ka mid ahaa kuwii wax kasoo xulay baarlamaanka Somaaliya, waxaana cabsi weyn ay haystaan ergadii soo xulay xildhibaannada baarlamanaka oo aan haysan ciidammo ka difaaca kooxaha dilalka u geysta.

PUNTLAND POST