Wararka naga soo gaaraya duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay qarax miino.
Qaraxaasi ayaa waxaa la la eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sh/hoose iyo xubno kale oo kat irsan Maamulka degmooyinka Gobolka Sh/Hoose.
Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sh/hoose oo dhowaan loo soo magacaabay Maxamed Ibraahim Barre iyo Gudoomiyaha deegaanka ceelasha Biyaha Ayaan Xasan.
Masuuliyiinta ayaa ka baxay Muqdisho iyaga oo ku sii jeeday Gobolka Sh/hoose waxaana masuuliyiinta la socday Wariyaal.
Dhaawaca masuuliyiinta ayaa waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho