Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame

Kigali (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame.

Xasan Khayre iyo Paul Kigame ayaa ka wadahadlay adkeynta xariirka labada dawladood iyo sidii loo joogtayn lahaa taageerada baaxadda leh ee Midawga Afrika uu siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne Paul Kagame ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha amniga gaar ahaan xilliga kala guurka oo ay Soomaaliya isku diyaarineyso in amniga dalka ay kala wareegto Ciidamada nabad ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM).

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo shalay galab gaaray Kigali ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Edouard Ngirente iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo isla maanta dib ugu soo laabtay dalka.

PUNTLAND POST