Muuse Biixi oo eedeeyay Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada

Haregysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland Muuxe Biixi Cabi oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu weynaynayay maalinta xorriyadda gobollada waqooyi ee Soomaaliya oo ku beegan 26-ka Juun – ayaa eedeyn u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Biixi ayaa sheegay in DF iyo maamullada dalka ka jira ay isku raaceen in la cunno-qabateeyo Somailland, isagoo xusay in taasi ay tahay dhibaateyn soo taagnayd tna iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay isaga baxday Somalia 1991-kii.

“Tan iyo markii aan xorriyadeenna soo ceshanay 1991-kii oo haatna laga joogo 28-sao, waxay Dowladihii Soomaaliya iyo maamulladoodu nagula jireen dagaal. Kuwaasoo ay ugu dambeyso midda maanta socota oo ah weerar aan kala har lahayn iyo inay caalamka ku yiraahdaan Somaliland lama caawin karo,” ayuu Muuse Biixi ku yiri khudbaddiisa.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbaddiisa ku sheegay in uu dhawaan qoraal dhaqaalaha looga joojinayo Somalland qoray Ra’iisul wasaaraha Dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayna dorraad ku raaceen maamullada Soomaaliya ka jira.

“Dowladda Federaalka iyo maamullada ka dhisan dalka, gaar ahaan Kismaayo, Garoowe, Baydhabo iyo kuwa kale waxay qoraalkooda ku xuseen in caalamka aanu wax dhaqaale ah siin karin Somalland,” ayuu khudbadiisa ku yiri Muuse Biixi.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay isku qaban karin hadalkaan iyo in midnimada Soomaaliya tahay muqadas lama taabtaan ah, caalamka in uu ku caawiyana kuuma ogoli.

Ugu dambeyn, Hadalka Madaxweynaha Somailland ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado colaadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo ka taagan Tukaraq iyo Dowladda Soomaaliya oo dalbatay inaan si gaar ah loo caawin karin Somaliland.

PUNTLAND POST