Madaxweyne Gaas oo gudoomiye cusub u magacaabay gobalka Sool

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa gudoomiyaha gobalka Sool u magacaabay Abuubakar Cabdi Gelle oo kamid ahaa dhalinyarada ku nool magaalada Laascaanood ee sida aadka ah u diidan joogitaanka magaaladaas ee maamulka Soomaaliland.

Abaabukar ayaa maalmo kahor shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Laascaanood si aada uga hadlay dhibaato uu sheegay inuu maamulka Soomaaliland ku hayo dadka Gobalka Sool, isagoo si adag u sheegay inay dadka gobalkaasi yihiin qayb kamida Puntland.

Gudoomiyaha la magacaabay wuxuu gudoon u noqon doonaa gobal ay collaado ka taagan yihiin ayna isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland, waxayna dadka falanqeeyaa arimahan ka taagan gobalkan sheegayaan in magacaabista Abaabukar tahay mid uu asiibay madaxweyne Gaas maadama uu yahay shaqsi aad u fir-fircoon isla markaana ay aad ugu weyn tahay Puntland, isagoo si aada baraha bulshada ugu qori jirey qoraallo uu ku taageeraayo Puntland.

PUNTLAND POST