Xildhibaanno Hir-shabeelle ka tirsan oo lagu dilay weerar gaadmo ah


Balcad (PP) ─
Ugu yaraan sagaal qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen xildhibaanno barlamaanka Hir-shabelle ka tirsanaa ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo kawada tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Xildhibaannada weerarkan lagu dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray; Ismaaciil Muumin Hilowle iyo Sheekh Daahir Mukhtaar, waxaana sidoo kale lagu dilay weerarkaas guddoomiye ku xigeenkii degmada Raage-Ceelle ee gobolka Shabeellada Hosoe, Muuse Cabdule Maxamed Muuse [Af-weyne].

Sidoo kale, Waxaa kaloo weerarkan lagu dilay lix askari oo ilaalo u ahaa xildhibaannada la dilay, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii ugu khasaare badnaa oo loo geysto xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Hir-shabeelle.

Inkastoo Maamulka Hir-shabeell uusan weli ka hadiln weerarkaan, ayaa haddana waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo sheegtay inay ku dileen weerarkaas 12-qof oo isugu jira ciidammo iyo xildhibaano ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas.

Weerarkan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Qali-moow iyo Balcad, waxaana weerarkan uu noqonayaa mid aan ku cusbayn waddada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo ay inta badan adeegsadaan mas’uuliyiinta maamulka Hir-shabelle.

Dhanka kale, Ciidammo fara badan ayaa gaaray halka weerarkaas uu ka dhacay, waxaana goobtan horay loogu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku socday Jowhar, kuwaasoo laga dilay tiro askar ah, gaadiid kala duwan looga gubay.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa kordhisay weerarrada ay ka geysanayaan deegaannada ka baxsan Muqdisho, waxaana maamulka Hir-shabelle uu ugu baaqay dhawaan in la adkeeyo amniga waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

PUNTLAND POST