Dowladda Soomaaliya oo $1-Malyan ugu deeqday deegaanada Somaliland

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dowlada Federaalka Soomaaliya, ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadaka Fatahaadaha, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Somalia $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ugu deeqday deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ee Golalada Waqooyi ee Soomaliya oo loo yaqaan Somaliland.

Mudane Mahdi Guuleed iyo xubno wasiirro ah oo oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay hadlay dhibaatooyinka jira isaga oo codsaday in shacbiga Soomaaliyeed ay ka qayb-qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.

“Hal milyan oo Doollar oo gar-gaar ah ayaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqday deegaannada goballada Waqooyi [Somaliland] ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen,” ayuu yiri Mudane Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaaduhu ay meel wanaagsan marsiinayaan dadaallada loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda Wabiyada iyo Roobabka.

Dhanka kale, Gargaarka maanta loogu deeqay Somaliland ayaa ka badan kuwii loogu deeqay maamullada kale ee dalka ka jira qaarkood, sida gobolka Hiiraan oo ay saameyn xooggan ku yeesheen fatahaadihii qaybo ka mid ah dalka ku dhuftay.

Ugu dambeyn, Waxaa kaloo gargaarkan uu ka badan yahay midkii Dowladdu geystay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ay iyaguna dhibaato xoog leh u geysteen fatahaadaha, halka Puntland aan weli Dowladu wax dhaqaale ah ugu deeqin.

PUNTLAND POST