Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ka qeeybgalaya shirka amniga Qaranka oo ka furmayo magaalada Baydhabo.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa si baalaran loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo waxaana Garoonka kaga hortay Madaxweyne Shariif Xasan.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare kheyre ayaa kulan la qaadan doono Madaxda maamul goboleedyada iyada oo lagawada hadli doono khilaafaadka ka dhex jira dadaxda Dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.
Faah Faahin intaan ka badan dib kala soco insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post