Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi la socda oo gaaray Baydhabo

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhaw gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, halkasoo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ku jiraan xubno kala duwan oo dowladda ka tirsan ayaa waxay Baydhabo uga qayb-geli doonaan shirka Amniga Qaranka, kaasoo dhawrkii biloodba mar la qabto si looga hadlo amniga dalka wixii ku soo kordhay.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa saakay gaaray Ra’iisul Wasaaraha Somlaia Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu horkacayo, kuwaasoo qayb ka ahaa xubnihii madaxweyne Farmaajo kusoo dhaweeyay magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed.

Amniga guud ee Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana garoonka uga hortagay madaxweynaha iyo wafdigiisa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed iyo xubno ka tirsan maamulka uu hoggaamiyo.

Dhanka kale, Waxaa lagu wadaa inay madaxda maamul-gobleedyada oo dhan ay gaaraan Baydhabo, kuwaasoo ka qayb-geli doona shirka guud ee Amniga Qaranka, kaasoo saddexdii biloodba mar la qabto.

Qodobbada shirkan looga hadli doono, ayaa waxaa ka mid ah qodobbada ay madaxda Soomaalidu la hor-tegi doonaan shir caalami ah oo Somalia loogu qabanayo dalka Belgium, kaasoo ay kasoo qayb-geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, Shirkan oo kusoo beegmaya xilli uu jiro muran u dhexeeya maamul-gobleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii wax looga qaban lahaa amniga guud ee dalka, gaar ahaan Muqdisho oo dhawaanahan uu amnigeedu faraha kasii baxayay.

PUNTLAND POST