Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Muqdisho (PP) ─ Maanta oo Khamiis ah waxaa Muqdisho oo saaaray isla markaana lagu soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Soo dhaweynta Wasiirka cusub ee Warfaafinta, ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa wuxuu ka mid ahaa tiro wasiirro ah oo uu dhawaan magaacabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo isugu jiray kuwo horay uga dhinnaa golaha iyo kuwo isbedello kooban lagu sameeyay.

Wasiirka Warfaafinta Geelle oo Warbaahinta la hadlay soo dhaweyntiisa kaddib ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in dalka uu dib ugu soo laabto, soona dhaweynayo xilka cusub ee uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Sidoo kale, Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo noqday wasiirka warfaafinta Somalia intii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xiligaasoo uu wax badan kasoo qabtay Wasaaradda.

Dhanka kale, Wasiirka cusub ayaa wuxuu xilliyadii ugu dambeeyay ahaa danijraha Somalia u fadhiya dalka Sucuudiga, xilkaas oo loo magacaabay intii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Maalmaha soo socda la filayaa in wasiirka cusub loo dhaariyo xilka isla markaana uu la wareego, iyadoo laga filayo inuu waxyaabo kale oo badan kusoo kordhiyo wasaaradda, sidii uu horayba u sameeyay.

PUNTLAND POST