Somaliland oo sheegatay inay Laascaanood ku xirtay ku dhawaad 60-qof

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay xakameeyeen kacdoon dadweyne oo maalmihii u danbeeyey ka jiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, ayna xir-xireen qaar kamida dadkii soo abaabulay iyo kuwii ka qayb qaatay.

Taliyaha qaybta booliska Gobalka Sool ee Somaliland ayaa sheegay inay xireen 59-qof oo kamid ahaa dadkii ka qayb qaatay mudaharaadyo xoogan oo ka dhacay magaaladaas lagagana soo hor jeeday maamulka Soomaliland iyo caburin la sheegay inuu ku hayo dadweynaha magaalada Laascaanood.

Dadka la xiray waxaa kamida haween iyo caruur, sidoo kale waxaa kamida labba wariye oo uu taliyuhu ku tilmaamay fidmo wadayaal soo abaabulay mudaharaadkan, wuxuuna tilmaamay inay ku raad jiraan saxafiyiin kale oo ay dhawaan soo xiri doonaan.

Boqolaal qof oo wata calamada Puntland iyo Soomaaliya ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Laascaanood iyagoo dalbanaaya inay Somaliland isaga baxda guud ahaan degaanada ay ka joogto gobalka Sool, waxaana halkaas ku dhaawacmay illaa 10-qof oo ay qaarkood qabaan dhaawacyo culus kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen dadkii mudaharaadaayey ciidamo boolis ah oo la sheegay in intooda badan laga keenay magaalada Burco.

Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo Somaliland kusoo daabushay ciidamo xoogan oo laga keenay magaalada Burco.

PUNTLAND POST