Laascaanood way hadashay oo qabsatay baraha bulshada

Marka laga yimaado kacdoonka xoogan iyo mudaharaadyada ka soconaaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool lagagana soo horjeedo kusii sugnaashaha gobalkaas ee maamulka Soomaaliland, dhanka kale waxay dadka reer Laascaanood kacdoon xoogan kawadaan baraha internetka ee ay bulshadu ku kulanto sida Facebook iyo twitter .

Baraha Internetka waxaa ka socda kacdoon loogu magac daray Laascaanood way hadashay(Lasanod speaks) taas oo ay dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood iyo dadka kasoo jeeda gobalkaas ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan xaaladaha ka taagan magaalada Laascaanood.

Dadka ayaa sheegaya inay si xoogan u aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya ayna kasoo horjeedaan fikir walba oo lagu kala goynaayo Dalka, iyagoo qoraalkooda gadaal ka raacinaaya Hash-tag marka lagu dhufto la helaayo dhamaan dadkii afkaartan ka hadlay.

Sioo kale qoraaladan waxaa lagu muujinayaa inay reer Laascaanood ku noolaan karin caburin iyo caga-juglayn.

Qoraaladan oo ay in kooban soo qaadatay warbaahinta PUNTLAND POST waxaa lagu qoray afafka Soomaliga, Ingiriis iyo Carabi.