Garsoorayaal soo dhaweeyay go’aankii xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamada sare


Muqdisho (PP) ─
Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda Sare ee dalka ayaa si buuxda u soo dhaweeyay go’aankii Madaxweynaha Somalia uu xilka uga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Dalka, Ibraahim Iidle Suleymaan isla markaana soo dhaweeyay guddoomiye cusub ee la magacaabay.

Mas’uuliyiintan ka tirsan Maxkamadda sare ee Somalia ayaa sheegay inuu madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu xilka-ka-qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isla markaana uu magacaabo guddoomiye cusub.

Garsoore Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim [Baardheere] oo ku hadlayay magaca garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa ku tilmaamay go’aan wanaagsan tallaabada uu madaxweyne Farmaajo xilka kaga qaaday guddoomiyihii maxkamadda Sare, Ibraahim Iidle Suleymaan.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in wax weyn uu garsoorka ka badali doono guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay jagada maxkamada sare ee dalka.

Guddoomiyihii xilka laga qaaday, Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa si cad ugu soo hor-jeestay xil-ka-qaadista lagu sameeyay, sidoo kale xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale ayaa sheegay in wado sax ah aan loo marin xil-ka-qaadista guddoomiyaha maxkamada sare.

Dhanka kale, Waxaa maanta loo dhaariyay xilka guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka guddoomiyaha cusub ee xilka loo magacabay, Baashe Yuusuf Axmed, xilli weli uu guddoomiyihii hore diiddan yahay xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Guddoomiyaha cusub ayaa horay uga tirsanaa xisbiga Waddani ee ka midka ah xisbiyada mucaaradka Somaliland, iyadoo aqoontiisa garsoorenimo shaki weyn la gelinayo, maadaama la sheegay inuusan weligii wax garsoor ah ka sameyn dalka gudihiisa.

Ugu dambeyn, Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday ayaa sheegay inaan waddo sax ah loo marin xil ka qaadistiisa, iyadoo la xusuusto in xilkaas uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh – iyadoo aysan jirin garsoor soo jeediyay magacaabiddiisa.

Hoos codka Garsoorihii ku hadlay afka Garsoorayaasha

PUNTLAND POST