Somaliland oo xabsiga dhigtay tiro dada oo ku sugan magaalada Laascaanood

Ciidamada Somaliland ayaa xasbiga u taxaabay haween, dhalinyaro iyo saxafiyiin ku sugan xarunta gobalka Sool ee Laascaanood kadib markii ay magaaladaas ka bilowdeen kacdoomo lagaga soo hor jeedo maamulka Soomaliland.

Ciidamo ka amar qaata gudoomiyaha gobalka Sool ee Somaliland ayaa xabsiga  dhigay tiro dada oo iskugu jira dhalinyaro, haween iyo saxafiyiin kuwaas oo ka qayb qaatay banaanbaxyo lagu taageeraayo ciidamada Puntland ee hawlgalada kawada gobalka Sool, laguna diidan yahay ku sugnaashaha gobalkaas ee maamulka Somaliland.

Sidoo kale dhalinyarada la xir-xiray ayaa qayb ka ahaa qaban-qaabada mudaharaadyo waaweyn oo maanta laga qorsheynaayey magaalada Laascaanood kuwaas oo lgu diidan yahay inay Somaliland kusii sugnaato gobalkaas.

Tan iyo markii dagaalada u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ay ka bilowdeen qaybo kamida gobalka Sool waxaa jirey kacdoomo ka jiray magaalada Laascaanood kuwaas ay dadweynaha magaaladaas ku diidan yihiin maamulka Somaliland, halka ay Somaliland isku dayeyso inay awood ku xakamayso kacdoomadaas.

Arimahan oo dhan ayaa kusoo aadaaya xili xiisada ka aloosan degaanka Tukaraq ay cirka isku sii shareerayso.

PUNTLAND POST