Mudaharaad xoogan oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Mudaharaad xoogan ayaa ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaas oo lagaga hor jeedo wax ay dadweynaha mudaharaadaya ugu yeereen caburin ay Somaliland ku hayso dadka ku dhaqan magaaladaas.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalda Laascaanood waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo ay ridayaan ciidamo isku dayaaya inay xakameeyaan mudaharaadka socda.

Wariye ku sugan magaalada Laascaanood ayaa u sheegay warbaahinta PUNTLAND POST in ciidamada Soomaaliland ay adeegsanayaan rasaas xoogan si ay u kala cayriyaan dadka mudaharaadaaya hase ahaate dadweynaha ayaa iyaguna kala hor tegey kacdoon xoogan.

Dadka mudaharaadaaya ayaa ku qaylinaaya ereyo ay kaga soo horjeedaan in maamulka Somaliland kusii sugnaado  gobalka Sool, sidoo kale dadweynaha ayaa dalbanaaya in xoriyadooda lasiiyo tobanaan qof oo ay Somaliland ku xirtay magaalada Laascaanood.

Mudaharaadada ka socda Laascaanood ayaa kusoo aadaysa xili xiisad dagaal oo aad culus ka aloosan tahay gobalka Sool, isla markaana ay Somaliland dadweyne fara badan ku xir-xirtay magaaladaas.

PUNTLAND POST