Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka Tuka-raq

Muqdisho (PP) ─  Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo.

“Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha DF ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

PUNTLAND POST