Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay inaysan waxba iska beddelin dacwadii Badda

Muqdisho (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay in dacwadda badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya aysan waxba iska bedelin, aysanna jirin wax wadahadal ah oo labada dal ay ka leeyihiin arrinta badda.

Wasiirka Gaashaadhigga Kenya, Moinca Juma oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay inay socdaan wadahadallo hoose oo Somaia iyo Kenya ay ka leeyihiin dacwadda u dhexeysa ee ku aaddan badda. Iyadoo sheegtay inay doonayaan inay si hoose ku dhameeyaan arrintan.

Balse, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay Garsoorayaasha Soomaaliya ku metelaya dacwaddaas ay wadaan diyaarinta warbixin maxkamadda ICJ ay ka sugayso inay 18-ka bisha Juun ee soo socota hor-geeyaan, isla markaana wadahadal arrintan ay ka galayaan aysan jirin.

“Dacwada Badda weli waa sideedii, wax iska bedelayna ma jiraan… Waxaana ku hawlahanay diyaarinta qoraal Somalia kaga sugayo, kaasoo maxkamadda aan horgeyn doonno 18-ka bisha soo socota,” ayuu Xeer-ilaaliyuhu ku yiri wareysi uu siiyay VOA-da isagoo ku sugan Gobolka Arizona ee Mareykanka.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Qaranka ayaa la wedyiiyay go’aanka dacwaddan ee Dowladda hadda jirta, maadaama dacwaddan markii la gubdiyay ay jirtay dowladdii Xasan Sheekh uu hoggaaminayay, wuxuuna ku jawaabay.

“Xukuumadda hadda jirta qorshaheeda waa uun midkii dowladdii hore, mana jiro wax isbedel ah oo arrinta badda ka yimid… waayo qareennadu waa kuwii hore, garsoorayaashu waa kuwii hore, wax walbana waa sidii hore, aniguna ma qabo in isbedel uu ka imaan doono dowladda hadda jirta.”

Dhanka kale, Dowladda Kenya oo iyaduna dhinac ka ah dacwadda ayaa lagu wadaa inay qoraal horgeyso maxkamadda bisha December ee sannadka aan ku jirno, iyadoo markaas kaddibna maxkamaddu ICJ ay go’aan ka qaadan doonto dacwadda badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku dacwoonaysa in Kenya ay doonayso inay qaadato qayb ka mid ah badda Somalia, iyadoo Kenya ay dhankeeda ku dacwoonayso inay iyadu leedahay badda mar la eego dhanka xuduudda barriga iyo badda; balse waxaa arrintan go’aan kama dambeys ah ka gaari doonta maxkamadda cadaaladda dunida ee xarunteedu tahay dalka Netherlands.

PUNTLAND POST