Puntland iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay joojiyaan Colaada u dhexeysa

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntiland in ay joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee u dhexeeyana ay ku dhammeeyaan wada hadal.

“Looma baahna in dhiig dad Soomaaliyeed la daadiyo. Looma baahna in dhiig dad Muslim ah la daadiyo. Maanta waaya arag beynu dhowr iyo labaatan sano u nahay dhibaatada uu dagaal leeyahay. Dagaal waxaa la ogaaday in aan lagu kala adkaan karin. Walaalayaalow hala iska daayo in wax wanaag lagu heli karo lagu raadiyo dagaal iyo cunfi”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Mudane Mahdi ayaa Odayaasha iyo Salaadiinta ka codsaday in ay u istaagaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta dhincayada dagaalku u dhexeeyo si looga baaqsado dhiig kale oo daata.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Somaliland iyo Puntilad ka codsaday in joojiyaan hadalada xanafta leh ee naceybka iyo cunfiga ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn, Colaadda u dhexeysa maamullada Puntland iyo Somaliland ee ka taagan deegaanka Tuka-raq ayaa geysatay khasaarooyin nafeed oo aad u fara badan, iyadoo weli ay deegaankaas ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeysa labada maamul.

PUNTLAND POST