Ciidan gaar ah oo ilaaliya Shacabka Falastiin oo lagu baaqay in la sameeyo

Istanbul (PP) ─ Madaxda Dalalka Islaamka oo shir ku yeeshay Magaalada Istanbul ee dalaka Turkey ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidamo difaaca shacabka Falastiin ee gumaadka iyo tacadiga ay ku hayaan ciidanka Israa’iil.

Shirka Ururka Islaashiga Islaamka ayaa waxaa iclaamiyay dowladda Turkiga, kaddib markii ciidamada Isaa’iil ay todobaadkii hore xasuuqeen dad 60 ruux ka badan oo Falastiin ah, kuwaasoo ka Dibad-bax ka sameeyay Tallaabada Mareykanka uu safaaraddiisii ugu raray magaalada barakeysan ee Qudus.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa lagu eedeeyay xukuumadda Israa’iil inay si naxariis-darro ah u laysay dad reer Falastiin ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Ururkan Iskaashiga Islaamka oo ay ku Midoobeen 57 Dal, ayaa wuxuu sheegay in shacabka Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah, waxayna ku baaqeen in deegaanada Falastiiniyiinta loo daad-gureeyo ciidammo gaar ah oo ilaaliya shacabka Falastiin.

Dhanka kale, Ururka ayaa wuxuu ku eedeeyay Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qayb-qaatay dilalka loo gaystay dadka Falastiiniyiin iyo inuu Israa’iil ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro magaalada Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus.

Tallaabadan ay ku dhawaaqeen Madaxda Dalalka Islaamka ayaa imaanaysa iyadoo Qaramada Midoobay ay doonayso inay qabato shir looga hadli doono dhibaatooyinkii ay Yuhuuddu ka geysteen dhulka Falastiin.

Ugu dambeyn, Xiisadda keentay in lagu baaqo in sla sameeyo ciidammo ka ilaaliya shacabka Falastiin dhibaatooyinka ay Yuhuddu u geysanayso, ayaa waxayna imaanaysaa xilli dalal badan oo Reer Galbeed ah ay kasoo hor-jeesteen go’aanka Mareykanka uu safaaraddiisii uga raray Tel Aviv.

PUNTLAND POST