Laascaano:-Somaliland oo xabsi dhigtey barre jaamacad ahna suxufi madax banaan.

Macalin Aadan Xabeeb

Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Aadan Jaamac Oogle oo loo yaqaano Aadan Xabeeb oo ka mid ah bahda waxbarashada Gobolka Sool islamarkaana barre macalin ka ah jaamacad ku taala magaalada Laascaano.

Wariyaal ku sugan Laascaano ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST xariga Aadan Xabeeb oo ah sidoo kale saxafi madax banaan oo muddo dheer kasoo shaqeeyay Warbaahinta gudaha dalka, balse xilliyaddii u dambeeyay macalin ka ahaa Jaamacaddaha Laascaano.

Ma jidho cid ka tirsan maamulka Somaliland oo ka hadashay xariga Aadan Jaamac, wallow ay ku sifeeyeen qaar ka mid ah qoyska Aadan Xabeeb mab,da ahaan nin rumaysan Soomaalinimada oo taas bedelkeeda aan raali ka ahayn gooni isu taaga ay iskeed ugu dhawaaqday Somaliland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST