3,884 ardey oo maanta Bosaso loogu daahfurey Imtixaanka Shahaadiga ee Puntland

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Puntland ayaa maanta si rasmiya ugu daahfuray magaalada Boosaaso Imtixaanka shahaadiga ee fasalka afaraad dugsiga sarre iyo fasalka 8aad ee dugsiga dhexe ka dib munaasabad lagu qabtey xarunta dugsiga sarre ee Bosaso Public Secondary, waxaana kasoo qeybgalay maamulka Gobolka Bari,Maamulka Degmada Bosaso iyo Bahda Waxbarashada Gobolkaas.

Guud ahaan ardeyda u fariisatey imtixaanka ayaa gaareysa 15 kun oo isugu jira wiilal iyo gabdho, Iyadoona si rasmiya maanta Imtixaanku uga bilowday 100 xarumood oo ku kala yaala sagaalka gobol oo ay ka kooban tahay Puntland.

Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari Shamis Muuse Koonte ayaa ka warbixisay habsami u socodka waxbarashada waxayna sheegtay in tirada ugu badan ee ardeyda Puntland wax ka barato Gobolka Bari iyadoona ku sheegtay tirada guud ee maanta imtixaanka u fariisatay 1341 oo arday dhigata dugsiga sare, halka dugsi dhexena ay u fariisteen 2543, waxayna noqonaysaa guud ahaan tirada guud ee Gobolka Bari waa 3884.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa Ardayda kula dardaarmay inay Imtixaanka si degan u galaan, islamarkaana ay  ku kalsoonaadan Aqoonta ay barteen.

Mar uu ka hadlayay muhiimada Imtixaamka shahaadiga wuxuu sheegay inuu kaalin mug leh ka qaato tayada waxbarashada Puntland, islamarkaana uu ku abuuro jawi tartan oo dhexmara ardeyda qalinjabinaysa, tartan dhexmara goobaha waxbarashada,maamulayaasha,macalimiinta,waalidiinta iyo madaxda Gobolladda.

Ugu dambeyntiina wuxuu si rasmiya u daahfurey wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland imtixaanka shahaadiga ee ka bilowday xarunta Gobolka Bari ee magaalada Bosaso.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST