Maamulka Jubbaland oo Qaadacay ka Qayb-galka Shirka looga hadli doono Dastuurka


Kismaayo (PP) ─
Iyadoo lagu wado in shirweyne looga hadlayo Arrimaha dalkstuuka dalka ayaa waxaa shirkaas ka qayb-galkiisa qaadacay maamulka Jubbaland oo qayb ka ah maamullada dalka ka jira.

Shirkan oo Muqdisho ka furmaya 13-ka bishan May ee lagu jiro oo ku beegan Axadda ayaa tallaabada maamulka Jubbaland uu ka qaatay waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo maamul ka jira dalka uu qaato.

Wasiirka Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta ee Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa xusay in shirkaas aysan maamul ahaan ka qayb-geli doonin, laakiinse kama uusan hadlin sababta ay u diideen ka qayb-galka shirkaas.

“Jubbaland kama qayb-galayso shirka looga hadlayo dastuurka dalka oo ka furmi doono toddobaadka soo socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Jubbaland, Aadan Aw-Xirsi.

Go’aanka maamulka Jubbaland ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Wasaarada Dastuurka xukuumadda federaalka Somalia ay sheegtay inay shir looga hadli doono arrimaha dastuurka dalka uu ka qabsoomi doono Muqdisho.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo uu dhawaanahna soo if-baxayay muran siyaasadeed u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Somalia, kaasoo ka dhashay khilaafka Khaliijka oo ay si aad ah ugu kala aragti duwanaadeen.

Dhanka kale, Muqdisho ayaa dhawaan looga dhawaaqay xisbi mucaarad ah oo kasoo hor-jeeda maamulka Jubbaland, kaasoo la sheegay inay dabada ka riixayso Dowladda Federaalka, iyadoo loo maleynayo in diidmada maamulka Jubbaland ee ka qayb-galka shirka dastuurka ay ka dhalatay arrintaas.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka sheegay Kismaayo in Dowladda dhexe ee Sommalia aysan wax ixtiraam ah u hayn maamul-goboleedyada dalka ka jira.

PUNTLAND POST