Madaxweynaha Jubbaland oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo warbaahinta kula hadlayay Kismaayo ayuu ka hadlay arrimo fara badan oo khuseeya xaalada siyaasadeed ee waddanka ka jirta.

Axmed Madoobe ayaa markii u horeysay ka hadlay arrinta Khaliijka, isagoo soo hadal qaaday go’aankii dowladda Federaalka ka qaadaya khilaafka Khaliijka ee dhex dhexaadnimada ahaa.

Waxaa uu sheegay inuu ahaa dadka markii hore ku taliyay in khilaafka meel dhexe laga istaago, hase ahaatee halkii shalay qorshuhu ahaa aanu ku socon, isla markaana dowladda ay kala xigsatay, dhanka Qatar ay jufo la noqotay sida uu yiri.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aanay sax aheyn in dagaalka Khaliijka loo soo xawilo Somaaliya, hadii ay noqoto Qatar, Imaaraad iyo Sacuudiga.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Imaaraadka Carabta ay tahay meeshii ay tallaay hantida umadda Soomaaliyeed iyo xawaaladaha.

“Xagee tahay inaan u xillano shey sax ah ma ahan, dhex dhexaadnimadii waa laga baxay, dowladda Qatar ayay jufo la noqotay, arrintaas dariiq sax ah haku soo noqoto, maanta Imaaraad ayaa wax nooga tarsan,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqada dowladda ay noqoto baraha bulshada iyo Facebook, isla markaana nidaamka iyo maamulka uu ka baxo dhinacaas.

DHAGEYSO: Shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha Jubbaland A. Madoobe

PUNTLAND POST