Jamhadda ONLF ayaa ka hadashay kulankii dhex-maray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), iyo C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka tirsanaa Saraakiisha Jamhadaas.
Afhayeenka Jamhadda ONLF Cabdulqaadir Hirmooge Cadaani oo la hadlay mid kamid ah warbaahinta gudaha ee Muqdisho ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan kulanka Axmed Madoobe iyo Qalbi-dhagax, iyo dadaala ku aadan sii deysmadiisa.
Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu qaaday talaabo aad u wanaagsan, islamarkaana ay dhabar jab ku tahay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhiibay markii hore.
Dhanka kale Afhayeenka Jamhadda ONLF Cabdulaaadir Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in xiriirkiisa ay waayeen Qalbi-dhagax mudooyinkii dambe, islamarkaana sawiradda markii ay arkeen ay aad ugu farxeyn dhamaan dadka taageera Jamhadda ONLF.
Shalay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa bartiisa Facebook ku baahiyay sawirro muuinaya kulan uu la qaatay C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi-dhagax).
PUNTLAND POST