Ciidan Kenyan ah oo lagu dilay qarax Miino oo lagula eegtay deegaanka dhoobley

Dhoobley (PP) ─ Ugu yaraan todobo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose oo u dhow xuduuda Kenya.

Mid ka mid ah gaadiidka ay wateen Ciidanka Kenya ayaa waxaa lala haleelay Qarax xooggan, kaasoo dhaliyay khasaare aad u ballaaran uu ka soo gaaray.

Sarkaal ka tirsan ciidamada millateriga Soomaaliya ayaa sheegay inuu arkay dhimashada todobo askari iyo dhaawaca labo askari. Ciidamada Kenya ayaa xilliga qaraxa lala eeganayay ku sii jeeday saldhig ciidan ay ku leeyihiin Dhoobley.

Dhanka kale, Ciidamada Kenya ayaa Qayb ka ah hawl-galka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ee loo yaqaan AMISOM, iyagoo ka hawlgala Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo Kenyan ah lagu dilo qaraxyo ka dhacay Jubbooyinka, waxaase weerarkan uu kusoo beegmayaa iyadoo ay ku dhawaaqeen dhawaan ciidamada Kenya inay soo fuliyeen xubno Keenyaan ah oo Al-shabaab ay ku tababaraysay gudaha Somalia.

Ugu dambeyn, Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxaan Miino ee waxyeellada u geystay Ciidamada Kenya, Waxayna tilmaameen in ay ku dileen illaa 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya.

PUNTLAND POST