Kooxda Liverpool oo u soo baxday Final-ka Koobka horyaallada Yurub

Muqdisho (PP) ─ Kooxda kubadda cagta ee Liverpool oo ka dhisan dalka Britain ayaa iska xaadirisay cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Yurub ee loo yaqaan EUFA Champions League, kaddib markii ay xalay ay cayaar adag la yeelatay kooxda Roma eek a dhisan dalka Talyaaniga.

Naadiga AS Roma ayaa qaybta hore ee cayaarta weerar xooggan ku qaaday kooxda Liverpool, sidoo kalena kooxda Talyaaniga waxay rabtay inay goolal fara badan la timaaddo qaybta hore ee cayaarta. Bale Sadio Nianglon ayaa kubad isku qalday asigoo khadka dhexe ku sugan waxaana kubaddii lugta ku dhigay Firmino oo baas qurux badan gaarsiiyay Mane, kaddibna shabaqa ku hubsaday daqiiqadii sagaalaad ee cayaarta qaybteeda hore.

Sidoo kale, James Milner ayaa gool iska dhaliyay Daqiiqadii 15-aad, kaddib markii kubad uu Lovren uu iska bixin rabay ay madaxa kaga dhacday cayaartana waxay noqotay cayaartu 1-1.

Kooxda Liverpool wax cabsi ah ma muujinin, waxaana hoggaanka u soo celiyay Georginio Wijnaldum oo cayaarta 2-1 ka dhigay daqiiqadii 26-aad ee qaybta hore, kaddib markii uu madaxa ku dhaliyay kubad koorno ahayd oo Dzeko madaxa ku dhuftay.

Naadiga Roma dadaal dheeri ah ayay muujisay balse ma jirto wax natiijada ay ka bedeleen goolashii ay dhaliyeen, iyadoo Qaybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay 2-1 oo ay Liverpool ku hoggaamineyso Qarkana u saaran in ay kama dambeysta koobka horyaallada Yurub u soo baxaan.

Sidoo kale, markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta ayay AS Roma dadaalkeeda kordhisay, iyadoo cayaaryaan Edin Dzeko uu cayaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

Radja Nainggolan ayaa mar kale shabaqa Liverpool ku hubsaday kubad taas oo cayaarta ka dhigtay 3-2 ay ku hoggaaminayso cayaarta Kooxda AS Roma inkastoo aysan kooxdu gaarin hadafkeedii.

Dhanka kale, daqiiqaddii ugu dambeysan cayaarta ayaa cayaaryahan Radja Nainggolan wuxuu cayaarta ka dhigay 4-2, kaddib markii uu kubad qurux badan daba-mariyay goolahayaha kooxda Liverpool.

Ugu dambeyn, Kooxda Liverpool ayaa 7-6 kaga soo gudubtay kooxda Roma afar dhammaadka tartanka UEFA Champions League, iyadoo kooxdan aan laga adkaan inta uu tartanka socday, waxayna ku dhici doontaa Kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid oo iyaduna habeen hore u soo baxday Final-ka koobkan.

PUNTLAND POST