Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi goordhow uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qaraxaan oo ahaa nooca ismiidaaminta ah ayaa la la eegtay Masuuliyiin katirsan Ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug.

Qof isi soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay meel ay ku sugnaayeen Taliyaashaan ciidamada isku dhafka ah.

Waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Taliyihii ciidamada isku dhafka Gaashaanle sare Cabdixukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye) iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabo Cabdi Qani Axmed Qeyre.

Sidoo kale askar iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi sida ay sheegeen wariyaal iyo goobjoogayaal ku sugan Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Jiiro Cabdullaahi Yuusuf waxaana goobtaasi gaaray ciidamo katirsan kuwo amniga.

Faah Faahinta qaraxa dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post