Wasiirrada u tartamaya Xilka Guddoomiyaha BF oo amar la dul-dhigay iyo Wasiir ka hadlay

Muqdisho (PP) ─ Wasiirrada ka tirsan xukuumadda Somalia ee doonaya in ay u tartamaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa mar culus lagu soo rogay, kaasoo ah inay xilka wasiirnimo ka dagaan ka hor inta aysan soo gudbin arajidooda.

Tallaabadan oo la doonayo in cadaadis lagu saaro wasiirrada xilka gudoonka baarlamanka u tartamaya ayaa waxaa ka hadlay wasiirka dastuurka Somaila C/raxmaan Xoosh Jabriil, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid la aqbali karin.

“Ma ahan qofka wasiirka ahna xildhibaanka inuu is-casilo haddii uu doonayo inuu u tartamo xilka guddoomiyaha baarlamaanka, waayo Qodobka 59 –aad ee dastuurka faqadiisa (C), wuxuu farayaa in shaqsi Xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay. Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa isagoon is casilin… laakiin maalinta uu guddoomiye golaha shacabka naqdo, Wasiirnimadii wuu ka tanaasulayaa,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Wasiirrada xildhibaannada ah ay si cad ugu tartami karaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka wax u diidayana aysan jirin, maadaama uu dastuurku ogol yahay.

Hadalka Wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo culeysyo badan la doonayo in la saaro xubnaha u tartamaya jagadii uu banneeyay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, inkastoo aan la ogeyn wuxuu hadalkani ka bedeli karo cadaadiska socda.

Dhanka kale, Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Xukuumadda Somalia ay doonayso in xilkaas uu kusoo baxo wasiirka gaashaandhigga ee xilligan, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, si ay xukuumadda ugu fududaato inay danaheeda si fudud u marsato baarlamaanka oo ah golihii sharci-dajinta.

Ugu dambeyn, Hadalladan iska soo horjeeda ayaa imanaaya iyadoo shalay lagu dhawaaqay guddigii Qaban-qaabada Doorashada Guddoomiyaha xigi doona Jawaari, kuwaasoo hawshoodu ay ku ekaan doono markii doorashadu dhacdo.

PUNTLAND POST