Kulankii Baarlamaanku ka yeelan lahaa Jawaari oo la joojiyay

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo saakay lagu waday inuu Magaalada Muqdisho ka dhaco kulan looga doodayo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, ayaa warar hadda soo dhacay waxay sheegayaan in dib loo dhigay.

Warka ayaa sheegaya in kulanka laga joojiyay dhanka Madaxtooyada DF oo ay tan iyo xalay ka socdeen kulammo la doonayay in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex-aloosan baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay in xalay ay kulammo kala duwan yeesheen, maadaama shir shalay ay yeesheen uu natiijo la’aan kusoo dhammaaday, waxaana kulankii xalay la sheegay in is-faham yar uu dhexmaray labada mas’uul.

“Tan iyo xalay Muqdisho waxaa ka socday kulammo u dhexeeyay Farmaajo iyo Jawaari, kuwaasoo is-faham laga gaaray, waxaana lagu wadaa inuu kusoo biiro kulammada ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre,” ayuu yiir sarkaal ka tirsan madaxtooyada Somalia oo la hadlay war-fidiyeenka.

Xildhibaannada wada Mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayaa waxay sheegeen in maanta ay noqon doonto maalin ay ka doodaan mooshinka laga keenay Jawaari, balse taasi ma dhicin, waxaana xildhibannada saakay lagu war-geliyay in kulanka uu baaqday.

Ammaanka xarunta baarlamaanka iyo waddooyinka soo gala ayaa sakaay si aad ah loo adkeeyay, waxaana xidhibaannada mooshinka wada ay sheegeen in sakaay ay doonayeen inay xilka ka qaadaan Jawaari.

Dhanka kale, Muranka ka dhashay mooshinka laga keenay Jawaari ayaa meel sare gaaray, inkastoo guddoomiye Jawaari uu diiday inuu xilka iska casilo, kaddib markii lagu eedeeyay inuusan la shaqeyn karin Xasan Khayre oo ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Waa markii saddexaad oo Madaxtooyada Somalia ay joojiso qabsoomidda kulanka looga doodi lahaa mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari, balse lama saadaalin karo qodobbada kasoo bixi doona kulammadii tan iyo xalay socday, kuwaasoo maantana sii socon doona, waxaase arrinta sida weyn looga shakiga qabo ay tahay in mooshinka uu sababo gacan-ka-hadal ka dhaca Muqdisho.

PUNTLAND POST