Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqanaya maanta JigJiga

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dalka Itoobiya DR Abiy Axmed Cali ayaa maanta oo sabti ah booqashadiisii ugu horeeysay ku tagaya Magaalada Jig Jiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaaliada Itoobiya.

Abiy ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha Maamulkiisa DDSI.

Ujeedada Safarka Ra’iisul wasaraaha cusub ee Itoobiya uu maanta ku tagayo JigJiga ayaa noqoneeyso xal u raadinta xiisado gacan ka hadal ah oo u dhexeeyso Oromada iyo Soomaalida.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa booqan doono deegaanada ay ku xooganyihiin Oromada si uu ugala hadlay joojinta dagaalka u dhaxeeyo Oromada iyo Soomaalida.

Dr Abiy ayaa laga filayaa joojinta xiisada soo laa laabatay ee u dhaxeeysa Soomaalida iyo Oromada oo dad badani ay ku dhinteen.

Xasan Maxmed Samatar Cowke

Puntland Post