Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta Arbacada ay la mid noqon doonto sabtigii islamarkaasina Baarlamaanka la horgeeyn doono Mooshin sharci daro ah sida uu sheegay.
Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu ku guuldareystay in uu xaliyo khilaafaadka ka dhexjira Baarlamaanka iyo Xukuumadda.
Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed Shan bari laga lumiyay islamarkaasina aanay muuqan ififaalo meesha looga saarayo khilaafaadka Jira.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta Arbacada ah uu dhici doono kulanka Baarlamaanka ee codka kalsoonida loogu qaadayo Gudoomiye Jawaari.
Hoos ka Daawo Xildhibaanka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho