Hay’ada Kaalo oo Qardho ku qabatay tababar ku saabsan xuquuqda qaxootiga ku nool Qardho

Qardho-[Puntland Post]-Tababarkan oo looga hadlayey Xuquuqda qoxootiga ka soo haajiray dalkood oo ku sugan Deegaanada Puntland ayaa loo qabtaya Qoxootiga ku nool Qardho ee ka soo qaxay dalka Yaman.

Tababarkan ayaa furitaankiisa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiinta ka socday qaxootiga ku dhaqan qardho iyo masuuliyiinta Hay’ada Kaalo waxuuna uga mahadceliyay ka soo qaybgalkooda Tababarkaan . bixiyaha tababarka ayaa ayaa kula dardaarmay in ay ka faaiidaystaan caasharada ay qaadanayaan .

Wuxuu kale oo xusay in la ilaaliyo xuquuqda bini aadanka gaar ahaana xuquuqda qaxootiga maadaama ay yihiin dad ka soo qaxay wadan koodii hooyo kuna sugan Puntland si sharciga caalamiga iyo kan Puntland udagan waafaqsan .

Fulinta tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’ada Qoxootiga u qaabilsan qaramada Midoobe UNHCR iyo haya’ada Kaalo waxaana tababarkan horay loogu qabtay Magaalooyinka kale ee Puntland wxuuna Qayb ka yahay mashaariic ay Kaalo ka fulinayso deegaanada Puntland.