Dooni Ganacsi oo ku gubatay Xeebta Boosaso

Bosaso-[Puntland Post]-Labo Ruux oo kamid ah 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Dhaawaca labadaan Ruux ayaa la geeyey Isbitaalka Guud ee Magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.

Doonta ayaa sidoo kale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd oo isugu jirtay Bagaash,Gawaari,Shidaal,Gaaska cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.

hoos ka Daawo Muuqaalka Doonta 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso