Dhallinyarada Aqoonyahanka ah ee Bosaso oo qado Sharaf u sameeyay Musharaxa Maxamed Faarax

Xubno kamid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee magaalada Boosaaso ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyay musharaxa duqa degmada Boosaaso Maxamed Faarax Xaaji Mire, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomay beerta dalxiiska ee RAYS.

Dhallinyarada soo agaasintay kulanka qado sharafta ah ayaa musharaxa kusoo dhoweeyay magaalada Boosaaso isla markaana ugu hambalyeeyay inuu isu soo sharaxo hogaaminta magaalada, iyagoo ka dhagaystay musharaxa warbixin kooban oo ku salaysan qorshaha uu doonayo inuu kusoo kordhiyo Boosaaso.

Musharax Maxamed Xaaji ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dhallinyarada kulanka qado sharafta ah ee ay u sameeyeen wuxuuna si daah-furan uga xog waramay qorshaha uu ugu tala galay horumarinta Boosaaso, isagoo caddeeyay in horumarka magaalada Boosaaso uu gaabis noqon doono haddii aysan helin qorshe isbeddel u horseeda bulshada iyo magaaladaba.

Is waraysi dheer kadib, dhallinyarada casumaadda u samaysay musharaxa ayaa garowsaday in qorshaha Maxamed Mire uu yahay mid la jaanqaadaya qorshayaasha lagu horumariyay magaalooyinka waaweyn ee dunida, waxayna ballan qaadeen inay ku garab siin doonaan sidii loogu dooran lahaa duqa Boosaaso.

Puntlandpost – Boosaaso.