Senator Mareykan ah oo sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan haysan Kalsoonida Shacabka

Muqdisho (PP) ─ Mudane Jack Reed oo ka mid ah Senator-rada dalka Mareykanka oo maalmo ka hor booqasho gaaban ku yimid Muqdisho, ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo kulan uu la qaatay Madaxweynaha Somalia oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaankan ayaa sheegay in loo baahan yahay in Mareykanka Taageero dheeraad ah siiyo Soomaaliya, si kooxda mayalka adag ee Al-shabaab looga adkaado, inkastoo uu xusay in dowladda Soomaaliya aysan haysan kalsoonida shacabkeeda.

“Kooxda Al-shabaab dhul ballaaran ayay ka talisaa, waxayna si firfircoon uga qaataan dadka canshuur, meelaha qaarkood oo aysan Dowladda Soomaaliya heysan ayay sharciyad ku haystaan oo ay dadka ugu kala garsooraan,” ayuu yiri Jack Reed oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga,

Senator-ka ayaa intaas ku daray. “Haddaan taas wax laga qaban Al-shabaab way jirayaan, waxayna kari karaan inay na shir-qoolaan, mana aha oo keliya Soomaaliya, laakiinse waa gobolka oo dhan.”

Xidhibaanka ayaa la weydiiyay amniga Muqdisho iyo wuxuu kusoo arkay intii uu ku sugnaa, wuxuuna ku jawaabay. “Muqdisho amni waa ka jiraa, laakiin ma ahan magaalada ugu amniga badan gobolka, isla markaana dhacdooyin argagax leh ayaa ka dhaca, sida qaraxii 14-kii bishii Oktoobar ee 2017-kii oo lagu dilay 500 dad ka badan. Muddo 25 sano ka hor ah ayaa Muqdisho tagay waana ka bedelan tahay magaalada sidii ay markaas ahayd.”

Ugu dambeyn, Xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray. “Magaaladu aad ayay u ballaaratay, horumarro ganacsiyeed oo baaxad leh ayaa ka jira, Laakiinse anigu waxaan qabaa in baaritaanno ciidaan aan waxba laga qaban Karin Al-shabaab, balse loo baahan yahay horumar dhaqaale, si loo kobciyo howlaha iyo waxqabadka dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST