Hawlgalo Culus oo ka socda Magaalada Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Qarax Miino ah oo Nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ku qarxay meel udhow Shirkad Bulukeetiga Jarta oo ku taala Xaafada Cariga ee Boosaaso.

Ciidanka Booliska Ayaa Gaaray Goobta Waxayna Baritaan ugu Jiraan Qaabka wax Dheceen iyo Cidii ka Damaysay Miinadaan Sidii Ay Usoo Qaban Lahayeen.

Ciidanka Booliska ee Boosaaso oo warbaahinta Puntland Post ay la xiriirtay ayaa xaqijiyey in Aanay jirin wax Khasaare Nafeed ah lakiin ay Jiraan Baabuur Wadada maraysay oo Jajab yari soo gaaray.

Hawlgalo culus ayaa ka socda magaalada Ciidamada amaanka ayaa lagu arkayaa xafaadaha Boosaaso ku waas oo  sugaya Amaanka .

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili xalay weerar lagu qaaday saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari halkaas oo ay ku dhaawac meen askar ka tirsan ciidamada Puntland .

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkii xalay saldhiga Bartamaha ee Boosaaso

Bishii la dhaafay ee Janaayo ayey ahayd markii lagu weeraray qarax xarunta Ciidanka ilaalada wadooyinka Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

PUNTLAND POST