14 Ruux Oo Saacadihii La Soo Dhaafay Ku Geeriyootay Degmada Jalalaqsi ee gobalka hiiraan

Jalalaqsi-[Puntland Post]-Ku dhawaad 14 qof ayaa waxa ay degmada jalalaqsi ugu geeriyoodeen Saacadihii las oo dhafay Cudurka Shuban biyoodka oo soo ritay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Caafimadaadka iyo Maamulka degmadaas.

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Gobalka Hiiraan Abuukar Maxmed ayaa waxa uu sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay degmadaas ku geeriyoodeen 14 Ruux (Toban oo uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka.

Waxa uu tilmaamay in aysan jirin wax gargaar ah oo soo gaaray Maamulka degmada Jalalqsi iyo isbitaalka Degmadaas marka laga reebo gurmad ay sameynayaan Bulshada degmadaas.

Dr axmad dhicisoow oo kamida dhakhaatiirta xanuunka latacaalaysa ee kusugan deegaanka jalalaqsi ee gobolka hiiran ayaa ka waramaya tirada ilaa hada la soo gaarsiyey isbitaalka degmada Jalalaqsi ee gobalka hiiraan

Cabdiqani Boos 

Puntland Post