Afhayeenka Ciidanka Puntland oo u jawaabay Madaxweynaha Somaliland.

Afhayeenka ciidanka daraawiishta Puntland Gaashaanle sarre Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) oo maanta warfidiyeenka kula hadlay magaalada Garowe ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii shalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu ku eedeeyay shaqsi fudud oo dagaal ooge ah.

Afhayeen Gubadle ayaa sheegay inaysan isku darajo ahayn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Muuse Biixi, wuxuuna carabka ku dhuftay inay labo korneyl yihiin isaga iyo Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay inuu masuul ka noqonayo wixii dhibaato ah  oo ka dhex dhaca labada maamul.

Wuxuu intaas ku darey Korneyl Gubadle inay muddo dheer Puntland ilaalinaysay nabadgalyadda iyo daris wanaaga, balse ay soo xadgudubtey Somaliland ka dib markey duulaan ku qabsatey deegaanka Tuko Raq oo ay ka talinaysay Puntland.

Isku soo wada duuboo waxaa cirka isku shareertey labadii todobaad ee u dambeeyay xiisad iyo saansaan colaadeed oo u dhaxaysay Puntland iyo Somaliland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST