Garowe:- Wafti ka qeybgalaya Shirweynaha Waxbarashada PL oo yimid

Magaalada Garowe waxaa maanta soo gaarey wafti isugu jira Wasiiro iyo Agaasimyaal oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowladda Federalka Soomaaliya, maamulladda qeybta ka ah, waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowladda Puntland.

Ujeedada socdaalka waftiga maanta soo gaarey magaalada Garowe ayaa la xiriirta ka qeybgalka Shirweynaha 4aad ee dib u eegista Waxbarashada Puntland oo maalinta beri ah lagu wado inuu ka furmo magaalada Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Prof Abshir Yuusuf Awciise ayaa sheegay in diirada lagu saari doono shirweynaha dib u eegista waxbarashada tayeynta iyo balaarinta waxbarashada Puntland, wuxuuna sheegay in wasaaradiisu sanad kasta ay qabato shirweyne lagu qiimeynayo hawlaha tacliinta.

Shirka dib u eegista waxbarashada Puntland oo socon doona muddo labo cisho ah ayuu sheegay Wasiir Abshir inay ka mid yihiin qodobada la iskula soo qaadi doono inta uu socdo shirku, Dib u eegis lagu samaynayo waxqabadka sanadkii tagey ee Wasaaradda,Tayadda Waxbarashada, iyo Wax ka bedelka siyaasadihii loo dejiyay.

Daaawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST