Suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo baaq nabadeed u diray dhinacyada isku hor fadhiya gobalka Sool

Suldaanka guud ee beelaha Somaaliland Suldan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa baaq nabadeed u diray Puntland iyo Soomaliland inay joojiyaan collaada kasoo cusboonaatay degaanka Tukaraq ee gobalka Sool xaaladana ku dhameeyaan wada hadal nabadeed.

Suldaanka oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in labada shacab ee Puntland iyo Soomaaliland ay yihiin dad isaga dhaw Soomaalida kale aysana ahayn inuu dhex maro dagaal dhiig ku daato, lana kala fogeeyo labada dad ee walaalaha.

Wuxuu ka codsaday labada dhinac ee isku hor fadhiya gobalka Sool inay kala qaadaan ciidamada xiisada taagana ay kawada hadlaan si loo baajiyo dagaal dhex mara labada ciidan ee lagu soo daabulaayo gobalka Sool.

Hadalka Suldaanka ayaa kusoo aadaya xili xiisada dagaal ee ka taagan Gobalka Sool ay marayso meeshii ugu khatarsanayd in ka badan 10-sano.

Daawo baaqa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

PUNTLAND POST