Sidee noqday jawiga PUNTLAND ka dib guushii xulka JUBBALAND?

Ka dib markey galabta xulka Jubaland ku guulaysateen tartanka kubadda cagta maamulladda dalka iyo Gobolka Banaadir uga socday magaalada Muqdisho waxaa mar qudha ka bilowday qeybo ka mid ah Garowe fawdo saameyn kooban ku yeelatay ganacsiga qaar ka mid ah suuqyada magaalada,isu socodka dadka iyo gadiidka.

Agagaarka suuqa Injida iyo Astaanka Garowe waxaa rabshado ka sameeyay dhalinyaro ka careysan natiijada ciyaartii galabta, kuwaas oo saacado kooban istaajiyay gabi ahaanba dhaq dhaqaaqii halkaas, Inkastoo xaaladu caadi kusoo laabatay markii dambe.

Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa soo gudbinaysa qaar ka mid ah dareenka Dadweynaha ku nool Garowe iyo Sidey u arkaan ciyaartii finalka ee dhexmartey xulalka Jubaland iyo Puntland.

Dhinaca kale Mid ka mid ah Ganacsatada ku nool magaalada Garowe oo heyb ahaan kasoo jeeda Kismaayo ayaa lasoo xiriiray warbaahinta PUNTLAND POST wuxuuna uga waramay cabsi kasoo wajahday inay u dabaal degaan xulka Jubaland oo ku guulaysteen tartankii maamul Goboleedyadda,

Dhageyso wareysiga.