Dekada Bosaso oo saaka lagu wado in dib loo furo

Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka dagan ka dib mudaharaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay Magaalada.

Ciidamada kala duwan ee amaanka Boosaaso ayaa lagu arkayaa wadooyinka waaweyn ee Magaalada si looga hortago in ay markale mudaharaadyo ay ka dhacan saaka Boosaaso.

Dhinaca kale Guddi ka kala socda dawladda ,Ganacsatada & Shirkadda P & O ee gacanta ku haysa maamulka Dekada Magaalada Boosaaso ayaa lahaa wada xaajoodyo gaar ah oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa xirnaanshaha Dekada Boosaso.

Wararka warbahainta Puntland Post ay helayso waxa ay sheegayaan saacadaha soo socda in dib loo furi doono Dekada oo mudo ka badan hal isbuuc xirneyd.

Masuuliyiin ka mid ah rugta Ganacsiga & Warshadaha ee Puntland ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post in xalay lagu heshiiyey in sidii hore maanta lagu dajiyo Rarka taagan, ka dibna wada tashi iyo is faham dhameystiran laga gaaro waxyaabaha laga cabanayo.

Masuul sare oo ka tirasan Dekada Boosaaso oo la hadlay warbahainta Puntland Post ayaa isna xaqiijiyey in hada kulamo ay u socdaan masuuliyiinta dawlada iyo ganacsatada waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay si wada jir ah ula hadli doonaan bahda  warbaahinta.

wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post -Bosaso